HomeCaalamkaGolaha wasiirada oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Golaha wasiirada oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho,  ayaa bogaadiyay howlgallada ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka oo toddobaadkan jab xooggan ku gaarsiiyay dagaalada ay kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga, guulaha laga gaaray furimaha dagaalka, iyo sidoo kale hawsha iyo dadaalka ay waddaan guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Dhinaca kale Golaha ayaa ansixiyey Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda oo qeexaya dib-u habeynta nidaamka shaqo iyo ilaalinta xuquuqda Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, isaga oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (NTP 2025-2029).

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments