HomeCaalamkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee caasimada Jabuuti,waxa uuna kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa la qorsheynayaa in ay kawada hadli doonaan dagaalka ay dowadda Soomaaliya kula jirto kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, oo bilihii lasoo dhaafay xoogeystay.

Jabuuti waxa ay kamid tahay wadamada Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga, waxaana dowladda Jabuuti, Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah nabad ilaalinta howlgalka cusub ee AUSSOM, waxa ayna si gaar ah ciidamada Jabuuti ka socda ka howlgalaan gobolka Hiiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments