HomeCaalamkahowlgal qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal sare oo katirsan Shabaab...

howlgal qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal sare oo katirsan Shabaab…

Taliska hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa ka hadlay howlgal lagu dilay xubno sare oo katirsanaa Al-shabaab, oo ka deegaanka Geelgub ee katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay NISA, ayaa lagu shaaciyay in howlgalka lagu dilay 21 xubin oo isugu jira horjoogayaal iyo dagaalamayaal katirsan Al-shabaab.

Taliska NISA, ayaa sheegay in howlgalka uu isugu jiray Cir iyo dhul ah si wadajir ah u fuliyeen ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleey, isla markaana howlgalka uu u dhacayay sidii loo baahnaa.

Ugu dambeyn Taliska NISA, ayaa ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay ka fogadaan goobaha bartilmaameedka ah ee lagu beegsanayo kooxda Al-shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments