HomeCaalamkaMadaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya magaalada Kismaayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta tagaya magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda gaaro magaalada Kismaayo, halkaas oo uu wadahadal kula yeelanayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxaa hadda magaalada Kismaayo ka socota qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo shalay galinkii dambe ay magaaladaas gaareen ilaalada madaxweynaha.

Ajendaha kulanka Kismaayo ayaa ah mid aan xog badan laga hayn, iyadoo la ogyahay in dowlada federaalka aysan aqoon sanayn Madaxweyne Axmed Madoobe, sidoo kale dagaallo dhiig badan ku daateen labada dhinac ku dhexmareen gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa in dhawaale ku howlanaa isu soo dhoweynta labada dhinac, waxaana hore u jiray wadahadal khadka taleefoonka oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe dhexmaray, kaas oo uu isku xirkiisa lahaa taliyaha sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments