Xildhibaanada Baarlamaanka golaha shacabka oo maanta kulankoodii labaad ee kalfadhia 7-aad ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa cod u qaaday Axdiga Afrika ee xuquuqda iyo barbaarinta carruurta oo ay golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya ay soo gudbisay.
Guddoonka golaha shacabka ayaa dooda kaddib, waxa uu u qaaday codeeyn ay ku meer marinayaan xildhibaanada axdigan, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe).
130 Mudane ayaa ogolaatay, 10 Mudane ayaa diiday, halka 5 Mudane ay ka aamustay, waxaana sidaas ku ansaxayAxdiga Afirka ee xuquuqda iyo barbaarinta carruurta oo u gudbaya golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xildhibaanada golaha shacabka, ayaa waxa horyaala ajandayaal badan oo u baahan in ay ku mee mariyaan kalfadhiga 7-aad, maadama kalfadhigan uu yahay midkii ugu dambeeyey labada Aqal ee Baarlamaanka, sida uu sharciga yahay.
