HomeCaalamkaQarax miino oo lagu dilay taliyihii howlgalinta ciidanka Puntand ee Calmiskaad

Qarax miino oo lagu dilay taliyihii howlgalinta ciidanka Puntand ee Calmiskaad

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta lagu dilay taliyihii howlgalinta ciidanka Puntland ee Calmiskaad.

Jeneraal Axmed Cabdi Qalyare, oo ahaa taliyihii guutada 2-aad ee Ururka Duufaan, ayaa u geeriyooday qarax miino lagula beegsaday deegaanka Dhasaan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa muddooyinkii dambe waday dardar gelinta howlgalka ka socda gobolka Bari, gaar ahaan Calmiskaad, waxa uu ahaa mid ciidamada howlgalka wada ku dhiiri-geliya in xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish.

Jeneraal Axmed Qalyare, waxa uu kamid ahaa saraakiishii waya-araga ee ciidamada Puntland hoggaanka u hayay, waxa uu la soo shaqeeyey dowladdii dhexe isaga oo soo noqday taliyihii ciidanka xoogga ee gobolka Awdal.

Alle hau naxariiste, Jeneraal Qalyare ayaa inta uusan bilaaban howlgalka ka dhanka ah Daacish, waxa uu kamid ahaa saraakiisha sid aadka uga qeyb qaadanayay tababarada ciidamada amniga Puntland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments