HomeCaalamkaTurkiga oo Soomaaliya u ballan qaaday inuu kordhin doono tababarka uu siiyo...

Turkiga oo Soomaaliya u ballan qaaday inuu kordhin doono tababarka uu siiyo ciidanka dowladda Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa kawada hadlay arrimaha la xiriira amniga, iskaashiga, kordhinta tababarada ciidamada iyo qodobo kale.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo ku ammaanay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato dhismaha hay’adaha difaaca iyo horumarinta xirfadaha Ciidamada qalabka sida.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş, ayaa dhankiisa sheegay in Turkiga uu diyaar u yahay inuu xoojiyo xiriirka qotoda dheer ee kala dhaxeeya Soomaaliya, waxa uuna ballan qaaday dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan iskaashiga kala duwan ee kala dhaxeeya Turkiga.

Sikastaba, Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa xoogeystay sannadihii lasoo dhaafay, kaddib tan iyo markii Ankara ay baaris ku sameysay shidaalka Soomaaliya oo dhowaan la filayo in lasoo saaro.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments