HomeCaalamkaCiidanka xoogga oo howlgal culus ka fuliyay shabeellaha Hoose

Ciidanka xoogga oo howlgal culus ka fuliyay shabeellaha Hoose

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ayaa howlgal qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyey deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay ciidanka uga hortagayeen dhaqdhaqaaqa ay maleeshiyaadka Al-shabaab kawadaan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.

Inta uu socday ciidanka ayaa ku guuleystay in waddooyinka shacabka ay ka soo saaraan miinooyin ku aasnaa oo Al-shabaab ay la damacsanayeen in ay ku dhibaateyaan dadka shacabka ah.

“Guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ee ciidanka xoogga daka ayaa guulo ka gaaray howlgalka ay sameyeen, iyaga oo miinooyin ay Khawaarijta ku aaseen waddooyinka shacabka maraan kasoo saaray “ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu xoojinayo amniga loogana hortagayo dhaqdhaqaaqa ay kooxdu ka wado gobolka Shabeellaha Hoose.

Sikastaba dhowaan ayey aheyd markii ciidanka xoogga iyo kuwa AUSSOM, ay dagaal kula wareegeen Bariire oo ah deegaan istiraatiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, oo muddooyinkii dambe ay ku sugnayeen dagaalamayaal katirsan Khawaarijta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments