HomeCaalamkaDoorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee maamulka waqooyi Bari oo ka dhacday Laascaanood

Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee maamulka waqooyi Bari oo ka dhacday Laascaanood

Magaalada Laascaanood e xarunta gobolka Sool, maanta waxaa ka dhacday doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa loo doortay madaxweynaha, kaddib markii uu wareegii saddexaad uu tanaasulay musharaxii la tartamayay Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka maamulka waqooyi Bari Soomaaliya ayaa cod gacan tag ah loogu doortay  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ( Abwaan) oo horay soo noqday guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland.

Madaxweynaha cusub iyo ku-xigeenkiisa ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa hoggaamin doonaa maamulkaasi shanta sanno ee soo socota.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda iyo kormeerayaal kale ayaa ku suganaa goobta doorashada, kuwaasi oo kor kala socday hannaanka doorashada ay u dhaceyso.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments