HomeCaalamkaDagaal culus oo ka socda duleedka degmada Balad xaawo

Dagaal culus oo ka socda duleedka degmada Balad xaawo

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in markale saakay uu dib u qarxay dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda tuulada Amiin oo ku taalla duleedka magaalada, halkaasi oo ay saldhig  ku la hayeen ciidanka Jubbaland.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka uu ku dhintay sarkaal katirsan ciidanka Jubbaland, oo qeyb ka ahaa saraakiisha sansaanta colaadeed halkaasi kawaday.

Saraakiisha ciidanka dowladda, ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, waxa ayna shegeen in qabteen qaar kamid ah ciidanka Jubbaland, sidoo kalana  ay qabsadeen saldhigii ay ku sugnayeen ciidanka Jubbaland.

Dhinaca Jubbaland, ilaa iyo hadda ma jiro war kasoo baxay oo ku aadan dagaalka saakay dib uga qarxay duleedka magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments